Latest Article

6/recent/ticker-posts

QODOBBADA SAAMEEYA QAAB-FIKIRKEENNA

 


QODOBBADA SAAMEEYA QAAB-FIKIRKEENNA



Aan ku weydiiyee dadku ma ku dhashaan qaab-fikirkooda mise waa wax ku samaysma marka ay korayaan? Waa maxay waxyalaha abuura qaab-fikirka?Qaab-fikirku ma yahay wax la baddali karo?Qaab-fikirkeenna inta ugu badani waxa uu samaysmaa sannadaha hore ee nolosha. Waxaa jira saddex qodob kuwaas oo keena samaysanka Qaab-fikirkeenna.

1. Deegaanka

2. Waaya aragnimada

3. Aqoonta 


Aan si goonni-goonni ah u eegno mid walba oo ka mid ah saddexdaan. 


Deegaanka:

    Deegaanku waxa uu ka koobanyahay kuwaan soo socda:

Deegaanka guriga:- cidda kuğu xeeran guriga waxa ay sababaan in wanaaggooda iyo xumaantooduba qaabeeyaan adiga iyo qof kasta oo qoyska ka tirsan.

Deegaanka iskoolka(Dugsiga):- waxaa ilmaha sameeya cadaadiska kaga imaanaya dhiggiisa(faciisa) wax kala barta dugsiga. 

Deegaanka shaqada:- Taageerid ama cadaadin lagu sameeyo qofka marka uu shaqada joogo ayaa ayadana saameyn u keeneysa qaab-fekerkiisa.

Deegaanka bulshada:- Saxaafada TV-yada, wargasyada, idaacadaha, filimaanta IWM. Waxyaalaha bulshadu wanaagga u aragto iyo kuwa xumanta u aragto ee lagala socdo saxaafadda ayaa ayaguna bilaaba in ay sameeyaan qaab-fikirka qofka.

Deegaanka dhaqaalaha:- Saboolnimo(fakhri) aad ah. Qof baahan ma bari kartaa qiimaha wax leeyihiin mase qiimayn karaa oo ma kaydsan karaa?

Deegaanka diinta:- qofka oo si wanaagsan ama si xun u fasirta diintiisa ayaa samaysa wanaagga iyo xumaantiisa shaqsiyadeed.

Deegaanka siyaasadda:- Ayaa asna sidoo kale qayb ka qaata qaab-fekerka qofka. 


Dhamaan qodobadaan qofka waxa ay u samaynayaan hab-dhaqan, hab-dhaqankaas ayaa uuna qofku ku dhaqmaa marka uu joogo gurigiisa, shaqada iyo meel kasta. 


Waaya aragnimada:


  Dhacdooyinka iyo khibradaha nolosha ina soo mara ayaa ayaguna qayb weyn ka ah samaysanka qaab-fikirkeenna. Haddii aad qof wanaag horay ugala kulantay, qaab-fikirkaaga ku saabsan qofkaasi waxa uu noqonayaa mid wanagsan. Qofkii aad horay xumaan ugala kulantayna, qofkaasi waxa uu noqon mid aad xumaan ka aaminsantahay, kana digtoontahay.

Dhacdooyinka iyo khibradaha nolosha waxa ay noqdaan tixraac aan adeegsanno marka aan go'aan gaarayno, waxa ayna hoggaan u noqdaan go'aanadeenna mustaqbalka. 


Aqoonta:

       Aqoonta dhammaystirani, kaliya qofka ma barto in uu noolaado ee waxa ay sidoo kale bartaa habka wanaagsan ee loo noolaado.

Aqoontu waa laba nooc, mid muuqata oo xarumaha waxbarashada laga helo iyo mid dahsoon.

Waxa aan la ciiraynaa oo naga buuxa xog iyo warar, balse waxa aan u rafaadsannahay una dhimanaynaa aqoon iyo xikmad la'aan.

Aqoontu marka ay dariiq wanaagsan ku socoto waxa ay noqotaa xigmad, waxa ayna isku beddeshaa guul.

Qofka macallinka ahi waa laf-dhabar. Saamaynta macallinku waa mid aan abid dhamaanayn. Miraha gurtana aan la koobi karin


Post a Comment

0 Comments