Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa in uu ku lug lahaa isku dhacii ciyaarta ka dib isaga iyo saaxiibkiis Ansu Fati ka dib markii kooxdu ay ka hartay tartanka Europa League habeenkii Khamiista.
Kooxda reer Spain ayaa laga tuuray tartanka ka dib markii ay guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay Manchester United garoonka Old Trafford, iyadoo la arkayay wiilasha Xavi oo 4-3 kaga soo baxay gacmaha Red Devils.
Lewandowski ayaa kubad rigoore ah udhaliyay, lakiin waxaa la arkayay isagoo niyad jabsan dhamaadkii ciyaarta markii Fati ay dhexda u gashay kubad uu ugu tala galay lambarka sagaalaad ee Barcelona.
Niyad jabkaas ma joogsan mar ay kooxdu dib ugu laabatay qolka labiska, sida laga soo xigtay AS, 34-sano jirkaan ayaa ka horyimid Fati, una gudbiyay cabashadiisa saaxiibkiis.
Warbixintu waxay faahfaahin ka bixisay in weeraryahanka reer Poland uu ahaa 'akhlaaq wanaagsan' intii lagu jiray cabashooyinkiisa, laakiin wuxuu tilmaamay da'yarka Isbaanishka in tani aysan ahayn markii ugu horeysay ee ay dhacdo.
Fati ayaa markaas iska difaacay isaga oo sheegay in aanu arkin Lewandowski intii uu socday dhaqaaqa taas oo keentay in uu isku dayo in uu kubbada soo taabto.
Lewandowski ayaa guul wayn u soo hooyay Catalans isaga oo dhaliyay 25 gool 30 kulan oo uu ciyaaray tan ilaa markii uu ka soo dhaqaaqay Bayern Munich xagaagii.
Goolashiisa ayaa ka qeyb qaatay in Barcelona ay si caafimaad qabta hogaanka ugu qabato LaLiga, halkaasoo ay hogaanka ku hayaan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid 8 dhibcood iyadoo 16 kulan uu ka harsan yahay dhamaadka ololahan.
Wiilasha Xavi ayaa sidoo kale weli ah Cop del Rey waxayna wajihi doonaan Real Madrid lugta hore ee semi-finalka Khamiista. Si kastaba ha ahaatee, ololahooda Yurub ayaa soo dhamaaday ka dib guul daradii United.
Ma jirin wax calaamado ah oo ka soo baxay Lewandowski oo ah mid dhexdhexaad ah oo muujinaya niyad-jabkiisa farriinta ciyaarta ka dib oo uu soo dhigay baraha bulshada, isagoo ka tarjumaya dhacdooyinkii fiidkii.
"Waan dagaalanay ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay laakiin nasiib darro kuma filna caawa." Lewandowski ayaa yiri.
“Waan niyad jabnay, laakiin wali waxaan haysanaa koobab aan ku guulaysano xilli ciyaareedkan. Waad ku mahadsan tahay taageeradaada.'
Barcelona ayaa ku soo laaban doonta ciyaarta berri, marka ay u safreyso halganka LaLiga ee Almeria, 24 saacadood ka dib kooxda ay xafiiltamaan horyaalka ee Real ayaa martigelin doonta Atletico Madrid Derby Madrid.
0 Comments