21-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa hore wuxuu ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, laakiin isagoo dhiirigelin weyn u ah kooxda Mikel Arteta wuxuu ogolaaday qandaraas cusub oo afar sano iyo bar ah oo uu ku kordhin karo sanad dheeri ah. .
Martinelli ayaa Arsenal u dhaliyay 7 gool 27 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil, oo dalkiisa
uga qeyb galay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Qatar, ayaa dhaliyay 25 gool 111
kulan oo uu saftay tartamada oo dhan tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda
reer Brazil ee Ituano bishii Luulyo 2019.
Heshiiska cusub ee Martinelli, agaasimaha ciyaaraha ee
Gunners Edu ayaa yiri: “Waa wax aad u wanaagsan in Gabi uu qandaraas cusub
nagala saxiixday, aasaaska kooxdeena waxay ku sii socotaa in lagu dhiso tayada
dhalinyarada, marka aad ayey u fiican tahay in Gabi uu saxiixay qandaraas
cusub.
“Gabi wali waa 21-jir, waana ciyaaryahan leh karti iyo
shaqsiyad weyn, waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah mustaqbalkeena, waana ku
faraxsanahay inaan ku heshiinay heshiis cusub”.
Maareeye Arteta ayaa intaa ku daray: “Waan ku faraxsanahay
in Gabi uu saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah, taageereyaasheenu waxay
arkaan tayadiisa iyo tamartiisa mar kasta oo uu xirto shaadhka, maalin walbana
waa isku mid oo uu ku jiro tababarka, shaqo adag iyo qiyam wanaagsan. .
“Gabi wali aad ayuu u da’yar yahay, markaa waan ognahay inay
jiraan wax badan oo isaga ka iman doona, waana wax aad u wanaagsan inaan safarkan
wada galno, hadda aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sii wadno horumarinta
xirfadiisa weyn, waxaana rajeyneynaa inaan aragno qaab ciyaareedkiisa. Arsenal
sannadaha soo socda.”
0 Comments