Latest Article

6/recent/ticker-posts

RASMI: Jordan Pickford ayaa heshiiska u kordhiyay naadiga EVERTON


 

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Jordan Pickford ayaa u saxiixay Everton heshiis waqti dheer ah oo ku eg sanadka 2027. 


Pickford ayaa ku jiray liiska kooxo badan xagaagii laakiin waxa uu si xoogan u doonayay in uu sii joogo Everton. 


Waan ku faraxsanahay halkan iyo qoyskeyga. Waan ku jecelnahay Everton, waa naadi weyn. Taageerayaasha, shaqaalaha iyo asxaabteyda aad ayay ii wanagsanayen tan iyo markii aan ku soo biiray, waxaana doonayaa inaan u ahaado mid iyaga u wanaagsan ayuu yiri Pickford. 


Heshiiskani waxa uu igu qaadan doonaa in ka badan 10 sano oo aan joogay Everton, waxaana doonayaa inaan halkan ka dhiso dhaxal si aan nafteyda ula qabsado sida Neville Southall si aan u noqdo mid ka mid ah goolhayeyaashii ugu fiicnaa ee u soo ciyaaray Everton

Post a Comment

0 Comments