Maxee habeen u eheed Leo Messi iyo Kylian Mbappé!
Messi ayaa haatan dhaliyay 700 oo gool oo kooxeed waayihiisa cajiibka ah — 28 gool oo uu u dhaliyay PSG iyo 672 gool oo uu u dhaliyay Barcelona.
Mbappé ayaa taariikh ka dhigay PSG isagoo haatan ah gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda isagoo barbareeyay Edinson Cavani 200 gool oo uu dhaliyay…
Messi ayaa sidoo kale laba caawin u sameeyay Mbappé ciyaartii caawa…
Mbappé ayaa haatan 29 gool u dhaliyay kooxda Paris Saint-Germain 29 kulan oo uu u ciyaaray xilli ciyaareedkan isaga oo si dhab ah u duulaya.
0 Comments