Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay qorsheysay tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola hadii uu ka tago Citizens.
Guardiola ayaa haatan ah tababaraha ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha xiga ee ka tagi doona premier League kadib dacwado ka dhan ah kooxda Man City.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday L’Equipe, PSG ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga reer Spain hadii uu si dhakhso ah u helo.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 ay xiiseyneyso macalinkii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich tan iyo markii Mauricio Pochettino uu maamulayay kooxda.
Xusuusnow in Manchester City ay ku soo oogtay Premier League in ka badan 100 eedeymo ah oo ku xad-gudbay xeerarkooda maaliyadeed.
Guardiola ayaa horay u sheegay in uu isaga tagi doono maalinta uu ogaaday in Man City ay been u sheegtay.
Dhanka kale, Christophe Galtier ayaa shaqo fiican ka sameeyay kooxda PSG tan iyo markii loo magacaabay tababaraha kooxda Paris xilli ciyaareedkan.
Laakiin PSG ayaa aaminsan in Guardiola uu noqon doono doorashada ugu fiican mustaqbalka fog.
0 Comments