Tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto shaqada kooxda.
Zidane ayaa lala xiriirinaaye kooxaha PSG, Newcastle iyo Manchester United tan iyo markii uu ka tagay Real 18 bilood ka hor.
"Ku soo laabashada tababarnimada waa yoolkeyga," Zizou ayaa u sheegay Le Figaro.
"Maanta waxaan haystaa wakhti firaaqo ah laakiin ma garanayo inta ay soconayso, waxaan haystaa ilaa bisha June, laakiin si dhakhso ah ayay u dhici kartaa in aan ku soo laabto kursiga."
PSG, halkaas oo Christophe Galtier, iyo kooxdiisii hore ee Juventus ay haatan lala xiriirinayo xiddiga reer France
0 Comments